SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

YEMAN: UK IYO US OO LABA JEER WEERARAY XUUTIYIINTA.

(SAWIRKA)-DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYAKANKA IYO INGIRIISKA.

(SANA’A-YEMAN)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa sheegay in duqeymaha diyaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska ey ka fuliyeen magaaladda Xudeyda ee Galbeedka dalka Yeman,weerarkaan ayaa noqonaayo midkii labaad ey qaadaan diyaaradaha dagaalka ee Maraykaka iyo Ingiriiska maanta oo Khamiis ah kaliya,weeraradaan ayaa waxaa lala beegsaday goobaha ey maamulaan Xuutiyiinta dalka Yeman. Tv-ga AL-Masirah ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa yiri”Weerarada gardarada ah ee Maraykanka waxaa lala beegsaday degaanka Shabaka oo ku yaalo koonfurta Dekedda Saliif,waxayna ahaayeen laba weerar”. Horaantii maanta oo Khamiis ah kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa sheegay in degaanka Raas Ciisa ee ku yaalo Gobolka Xudeyda Galbeedka Yeman ey weerareen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo Ingiriiska. Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa bartilmaameedsanayey Maraakiibta xamuulka qaada ee maraysa Badda Cas oo ey leeyihiin amaba ey maamulaan shirkado Isra’iil ah amaba u daabula dalka Isra’iil badeeco,Xuutiyiinta ayaa sheegay iney doonayaan in dagaalka Gaza la joojiyo haddii kale iyaguna ey wedi doonaan weerarada ka dhana ah Maraakiibta maraysa Badda Cas.

ISHA/AA.