SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

YEMAN: ROOBAB MAHIIGAAN AH OO KA DA’AY GOBOLKA CAMRAAN

(SAWIRKA)-ROOBAB KA DA’AY YEMAN.

(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in Roobab Xoogan oo ka da’ay halkaasi ey saameyn ku yeesheen qoysas gaaraayo ilaa 800-qoys kuwaaso ku nool Gobolka Camraan ee Waqooyiga dalka Yeman oo ey Xuutiyiintu gacanta ku hayaan,sida ey sheegtay Qaramada Midooobe maanta oo Axad ah. Hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano UNHCR ayaa sheegtay in Roobabka Mahiigaan ah ey ku dhufteen degaanka Qaflah ee Gobolka Camraan kuwaaso gaystay khasaaro ba’an. “300-qoys oo ku sugnaay goobaha barakacaaysha(Dadka gudaha ku barakacay) iyo 500-Qoys oo dibadda ah ayuu Roobku saameyn ku yeeshay”sidaas waxaa batrta(x) ee la oran jiray Twitter ku sheegtay Hayadda UNHCR. Hayadda Qaramadda Midoobe u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay “iney la shaqeyneyso hawlgalayaasheeda si ey uga jawaabaan baahiya deg dega ah sida Cuntada,Qalabka kale,xirmooyinka Nadaafadda,Biyo Nadiif ah oo la cabi karo,raritaanka meel ku meel gaar ah”. Maalmihii la soo dhaafay daadad xoogan ayaa ku dhuftay Gobolo dhawr ah oo ku yaalo Waqooyiga dalka Yeman oo ey ku jiraan Goboladda Camraan iyo Sacda kuwaaso gaystay khasaaro lexaad leh. Kaabayaasha dhaqaalaha dalka Yeman ee sida aadka ah u burburay una daciifay ayaa sii xumeeyey saameynta fatahaadaha taaso sii kordhinaysa dhibaatada dadka shacabka ah ee horay ugu adkeystay adeegyadda aasaasiga ah ee aadka u jilicsan sababtoo ah ku dhawaad sagaal sano oo xiriir ah ayaa waxaa dalka Yeman ka socday Colaado.

ISHA/AA.