YEMAN: Dr.MAXAMED QAXTAAN OO LA SII DAAYEY.
(SAWIRKA)-Dr.MAXAMED QAXTAN.
(SANA’A)-Dawladda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay ayaa Arbacadda maanta ah sheegtay iney sii deyn doonto 50-ka mid ah falaagadda Xuutiyiinta si ey ugu bedelato siyaasi caan ah oo ey kooxdu haysato. “Heshiis ayaa lala gaaray kooxda Xuutyiinta si loo sii daayo Dr.Maxamed Qaxtaan si loogu bedelo 50-Xuutiyiin ah”ayuu u sheegay Anadolu Maajid Fadli oo Dawaladda Yeman ku metela wada xaajoodka. Dr.Maxamed Qaxtaan waa shaqsi caan ah kana tirsan Xisbiga AL-Islaax oo ah Xisbiga ugu weyn ee Islaamka Yeman,waana mid ka mid ah afar qof oo ku qoran Qaraarka Golaha Amaanka Qaramada midoobe ee Tirsigiisu yahay 2216 iyo 2015 kaaso faraya in kooxda Xuutiyiinta iney sii daayaan shaqsiyaadaas. Dr.Maxamed Qaxtaan ayey Xuutiyiintu xireen 5-tii bishii abriil-2015-kii,wax yar uun ka dib markii ey kooxdaasi ku xireen xabsi guri,Qoyska Dr.Qaxtaan ma oga ilaa hadda halka uu ku sugan yahay iyo xaaladiisa. Hogaamiyaha Xuutiyiinta ku metelo wada xaajoodka C/qaadir AL-Mortada ayaa xaqiijiyey inuu dawladda la gaaray heshiis lagu sii deynaayo 50-Xuutiyiin ah si ey ugu bedeshaan Dr.Qaxtaan.
ISHA/AA.