YAA KA DAMBEYEY WEERARKI ALKAADIMI?
(CIRAAQ):Tan iyo markii dalka ciraaq eey soo weerareen xulafadii uu hogaaminaayey Maraykanka sannadkii 2003-dii ilaa maanta ma uusan heli deganaasho dhab ah,waxa loo weeraray dalka Ciraaq waqtigaas ayaa lagu sheegay in Ciraaq ka dambaysay weerarkii lagu qaaday dalka Maraykanka sannadkii 2001-dii weerarkaaso eey sheegatay kooxda alqaacidda.Dagaalkii lagu qaaday dalka Ciraaq ayaa waxaa ka dhashay burbur soo gaaray dalka Ciraaq iyo shacabkii reer Ciraaq oo u kala baxo sunni iyo shiico halkaasne eey fursad ka hesho dawladda Iraan kuna fargeliso arrimaha dalka Ciraaq waane mid weli taagan faragelinta Iraan ee arrimaha dalka Ciraaq.Dalka Ciraaq waxa dhawaan ka dhacday doorasho eey diidan yihiin natiijadeeda Ciraaqiyiinta shiicada ah waxayna dalka ka wadaan fawdo iyo dagaalo goosgoos ah kana dhaca caasimadda Baqdaad,kooxahaan shiicadda ah ayaa horaantii bishaan noofembar-2021-ka waxa eey isku dayeen ineey khaarijiyaan raysl wasaaraha dalkaas Ciraaq Mustafa Alkaadimi ayagoo adeegsanaayo diyaadaha aan duuliyaha wedin ee loo yaqaano DRONES gaar ahaan kuwa loo adeegsado qaraxyada balse hayadaha amaank dalka Ciraaq ayaa xaqiijiyey in Drones-ka qaraxay eey soo tuureen maleeshiyaadka Shiicadda eey taageerto Iraan waxaane halkaas ka dhashay khiyaano eey dawladda Iraan kula kacday dadka reer Ciraaq,hadaba wargayska Middle East Eye ayaa wax ka qoray weerakii lagu qaaday guriga Raysal wasaaraha Ciraaq ee ku yaalo magaaladda Baqdaad.ISHA MEE.