SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

YAA GUULEYSAN DOONO SIRDOONADA IRAAN IYO ISRA’IIL?

(SAWIRKA)-BOOLISKA ISRA’IIL.

(TEL AVIV)-Waxa aan la soconaa tan iyo markii uu bilawday dagaalka ka socdo Marinka Gaza iyo Koonfurta Lubnaan 7/10/2023-kii,waxaa dhinac socotay colaad aan qarsooneyn oo si toos ah uga dhexeysa dalka Iraan iyo Isra’iil,waxaane dhacday in Isra’iil ey ku guuleysatay in dilal qorsheysan ka fuliso gudaha dalka Iraan gaar ahaan caasimadda Tehran,waxaane halkaasi lagu dilay Hogaamiyihii Xamaas AUN-Ismaaciil Haniyah,sidoo kale Isra’iil waxa ey gudaha Lubnaan ku khaarijisay Hogaamiyihii Ururka Xizbullah AUN-Sheekh Xasan Nasrallah,intaas kuma eka dilalka Qorsheysan ey Isra’iil fulisay oo waxa ey horaantii bishaan Oktoobar-2024-ka dishay Hogaamiyihii Xamaas ee Marinka Gaza ka hawlgelaayey AUN-Yaxye AL-Sinwar iyo AUN-Hashim Safa’adiin oo isagana ahaay xil sugihii Ururka Xizbullah kaaso Isra’iil ey ku dishay weerar ka dhacay Lubnaan,Maxaa hadaba soo kordhay?. Markaan sheekada waxa ey ka socotaa gudaha Isra’iil, Lamaane degan degaanka Lod ee Isra’iil ayaa khamiista maanta ah lagu soo oogay tuhun ah iney dalka Iraan basaasayeen. Saraakiisha reer Isra’iil ayaa sheegay in Lamaanaha ey ururinayeen xogo Sirdoon oo ku saabsan goobaha muhiimka ah ee kaabayaasha Qaranka oo ey raaciyeen nin aqoonyahan ah oo ka tirsan xarun lagu falanqeeyo Amniga una dhashay Isra’iil la doonaayey in wax loo dhimo jirkiisa iyadoo loo adeegayo dalka Iraan. Ogolaanshaha daabacaada xariga dadka degan Lod ee ah Lamaanaha lana kala yiraahdo Rafael iyo Lala Guliyev oo labaduba ey da’adoodu ku dhawdahay 32-jir ayey Sirdoonka Gudaha ee Isra’iil ee Shin bet iyo Booliska Isra’iil bayaan ey si wadajir ah u soo saareen ku xuseen in kiiska Lamaanaha la qabtay uu yahay kii ugu dambeeyey eyna jiraan dhawr shil oo basaasnimo ah laguna eedeeyey iney ku lug leedahay dawladda Iraan kuwaaso la shaaciyey Todobaadyadii la soo dhaafay. Saacado ka dib,Dacwad Oogayaasha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in nin kale lana yiraahdo Asher Binyamin Weiss oo degan Bnei Brak dacwad lagu soo oogay todobaadkii hore isagoo looga shakisan yahay hawlo la xiriira dabagalka Saynisyahanka Nukliyeerka kaaso ahaay bartilmaameedka shirqool dil Iraan lagu eedeeyey oo la kashifay ka dib markii la qabtay unug kale oo looga shakisan yahay inuu la shaqeynaayo dawladda Iraan.

ISHA-THE TIMES OF ISRAEL.

HALKAAN KA SII AKHRI.