SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XUUTIYIINTA YEMAN YAA U BASAASA MARAAKIIBTA?

(SAWIRKA)-XEEBAHA DALKA YEMAN.

(LONON)-Xoogaga Xuutiyiinta ee dalka Yeman ayaa weli ah caqabad adag oo haysata dawladaha taageero dalka Isra’iil oo hadda dagaal adag uu kala dhexeeyo Xarakada Xamaas gudaha Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin,Xuutiyiinta Yeman ayaa bilaabay iney si aan qarsoodi lahayn ey ula saftaan Xamaas waxa eyna weeraro aan kal go’o lahayn ku hayaan Maraakiibta Ganacsiga ee marta Marinka Baab EL-Mendab,Xuutiyiinta horay waxa ey u afduubteen Markab laga leeyahay dalka Isra’iil kaaso la yiraahdo GALAXY LEADER,Markabkaas ayaa weli ku sugan biyaha dalka Yeman,hadaba su’aasha la isweydiin karaa ayaa ah Xuutiyiinta yaa u sheego in Marinka Baab EL-Mendab uu ku soo wajahan yahay Markab ey leedahay Isra’iil amaba mid Isra’iil badeeco u sido? Wargayska caalamiga ah kana soo baxo dalka Maraykanka lana yiraahdo Wall Street Journal ayaa maanta oo Jimca ah waxa uu wax ka qoray cidda Xuutiyiinta ka kaalmeyso dhinaca sirdoonka badda tan ey tahay,Wargayska Wall Street Journal ayaa maanta oo Jimca ah waxa uu xaqiijiyey in Marakab nuuca wax basaasa ah oo laga leeyahay dalka Iraan inuu Xuutiyiinta dalka Yeman ka caawiyo sidii ey weeraro ugu gaysan lahaayeen Maraakiibta marta Badda Cas eyna iska leedahay Isra’iil iyo kuwa Isra’iil ku sii socdaba. Wargayska oo soo xiganaayo saraakiil reer Galbeed ah iyo kuwa Gobolka ayaa sheegay iney jiraan ciidamo u eg kuwa Iraan ey si deg deg ah ey xogaha sireed u siiyaan Xuutiyiinta dalka Yeman,ciidamadaan ayaa adeegsada iney hagaan diyaaradaha aan duuliyaha wedin iyo Gantaalada lagu bartilmaameedsado Maraakiibta isaga gooshta Badda Cas. Saraakiisha ayaa Wargayska u xaqiijiyey in Markab laga leeyahay dalka Iraan inuu Xuutiyiinta u gudbiyo xogta Maraakiibta marta Badda cas kuwaaso weerar ku ah Maraakiibta ganacsiga ee marta Marinka Baab EL-Mendeb. Saraakiishu waxa ey ku macneyeen in Maraakiib badan oo marta Marinka Baab EL-Mendab ey demiyaan Raadaaradooda si ey uga badbaadaan in Internet-ka laga baaro balse Markabka laga leeyahay dalka Iraan uu si sax ah xogta ugu gudbiyo kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.