SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XUUTIYIINTA YEMAN OO XIRTAY MARINKA BAB AL-MANDAB.

(SAWIRKA0-MARIN BIYOODKA BAB AL-MANDAB EE DALKA YEMAN.

(LONDON)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Ingiriiska ee London ayaa sheegaayo in Hayda Hawlaha Ganacsiga ee dalka Ingiriiska ey maanta oo Sabti ah sheegtay iney heshay warbixin ku saabsan dhacdo ka dhacday agagaarka Gacan biyoodka Bab Al-Mandab kaaso 45-Nautical Miles(83-KM) Koonfur Galbeed kaga beegan magaaladda Saleef ee dalka Yeman. War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in maamulka uu wado baaritaan waxaane lagu amray Maraakiibta iney taxadar muujiyaan marka ey soo gudbayaan Bab AL-Mandab. Shirkada Maraakiibta ee laga leeyahay dalka Maraykanka ee Flexport INC ayaa maalin ka hor waxa ey ku dhawaaqday in ku dhawaad 180-Markab ey bedeleen meelihii ey ku socdeen oo ka fog Marin Biyoodka Bab AL-mandab ee badda Cas ama loo joojiyey iney sugaan amarada shirkadaha gacanta ku haayso. Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa waqti ey jirto warbixin ey soo saartay shirkad Maraykan ah oo fadhigeedu yahay San Francisco xilli ey kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ey sii wadaan hanjabaada ey ku beegsanayaan Maraakiibta ku xiran dalka Isra’iil ee ka gudbaayo marin biyooda Bab AL-mandab ee ku yaalo Koonfurta Badda Cas,Xuutiyiinta ayaa arrintaan u sameynaayo falalka ey Isra’iil ka wado Marinka Gaza. Shirkadaan laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ilaa 180-Markab oo siday Konteenaro ey u weeciyeen Qaaradda Afrika amaba la joojiyey lana siiyey amaro ah iney sugaay Amar dambe si looga fogaado weerarada ka dhaca Badda Cas.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.