XUUTIYIINTA YEMAN OO XABSIGA KU HILMAAMAY….
XUUTIYIINTA YEMAN.
(SANA’A)-Bishii Oktoobar-2021-kii,Xuutiyiinta Yeman ayaa bilaabay ineey xabsiga u taxaabaan shaqaalihii maxaliga ahaay ee Safaaradda Maraykanka ku lahaay dalka Yeman. Kow iyo toban ka mida shaqaalaha ka shaqeynaayey Safaaradda Maraykanka ee dalka Yeman ayaa ilaa maanta waxa ey ku jiraan xabsiyadda ey maamulaan Xuutiyiinta. Hogaamiyeyaasha Xuutiyiinta oo ku dhega hadlaayo shaqaalaha u xiran ayaa ku sheekeyo in shaqaalahaan yihiin Basaasiin u adeegaayo dalka Maraykanka,Maraykankana waxa uu dagaal gardara ah ku soo qaaday dadka Yeman,shaqaale hore oo ka tirsanaay shaqaalaha Safaaradda Maraykanka ee dalka Yeman ayaa ka sheekeyey waxa ku dhacay asaxaabtooda kale shaqeyn jiray Safaaradda Maraykanka ee Sanca Yeman.
ISHA WARKA FP.