XUUTIYIINTA YEMAN OO GENTAAL LA HELAY MARKABKA RUBYMAR.
(SAWIRKA)-MARKABKA RUBYMAR OO GUBANAAYA.
(WASHINGTON)-Taliska dhexe ee ciidamadda dalka Maraykanka(CENTCOM) ayaa maanta oo Jimca ah sheegay in kooxda Xuutiyiinta ey beegsadeen Markabka Rubymar oo laga leeyahay dalka Ingiriiska,weerarka ayaa dhacay Axadii la soo dhaafay waxa uuna sababay in 18-Mayl oo shidaal ah iney badda Cas ku daadato. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ayaa intaas raaciyey in Markabka ey waxyeeladu ka soo gaartay weerarka Xuutiyiinta uu sidoo kale siday Bacriminta lagana yaabo iney badda cas ku daataan taasne ey sababto musiibo dhinaca degaanka ah. Bayaanka ka soo baxay Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ayaa intaas ku daray “Xuutiyiintu weli kama waantoobin saameynta ey weeraradaan aan loo meel dayeen ku leeyihiin Gobolka gaar ahaan kallumaysiga iyo waxyaabaha laga soo dejiyo dekedaha dalka Yeman.
ISHA/AL-SHARQ AWSAT.