XUUTIYIINTA OO WEERARAY MARKAB MARAYEY BADDA CAS.
(SAWIRKA)-US CENTRAL COMMAND.
(SANA’A-YEMAN)-War ey soo saareen ciidamadda Maraykanka ee ku sugan Badda Carabta ee loo yaqaano Central Commad war ey soo saareen maanta oo Isniin ah laguna daabacay bogooda ey ku leeyihiin(X)-Twitter-ka ayey ku yiraahdeen,Janaayo-15-2024-ka,abaarihii afartii Galabnimo waqtiga caasimadda Yaman ee Sanca ayey kooxda Xuutiyiinta Yaman ey taageerto dawladda Iraan ayaa gentaal Balaastik ah oo lidka Maraakiibta ah ka soo rideen dhulka ey ka maamulaan Yaman waxayna ku garaaceen Marakabka M/V GIBLTAR EAGLE oo uu ka dul babanayey calanka Jaziiradda MARSHALL,waxaane Markabka iska leh dalka Maraykanka. Markabka ayaa la sheegay ineysan soo gaarin wax khasaara ah isla markaasne uu sii watay safarkiisii. Horaantii maanta oo Isniin ah abaarihii labadii duhurnimo waqtiga caasimadda Sanca ayey ciidamadda Maraykanka ogaadeen gentaal balaastik ah oo lidka Maraakiibta ah inuu ku soo jeedo marinada Maraakiibta ee koonfurta biyaha Badda Cas. Gentaalka Xuutiyiinta Yaman ayaa ku guul daraystay duulista waxa uuna saameeyey dhulka Yaman mana jiraan wax dhaawac ama dhimasha ah oo la soo sheegay.
ISHA/SBM.