XUUTIYIINTA OO WEERARAY MARKA LAGA LEEYAHAY MARAYKANKA.
(SAWIRKA)-DOOMAHA XUUTIYIINTA.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in Afhayeenka Xoogaga Xuutiyiinta Yeman Sareeye Guuto/Yaxye AL-sareec uu ku dhawaaqay barqadii maanta oo Jimca ah in Markab laga leeyahay dalka Maraykanka oo maraayey gacanka Cadmeed lala beegsaday gentaaladda lidka Maraakiibta isagoo cadeeyey in la gaaray waqtigii ey kooxda qaadi lahayd duqeymo toos ah oo lala beegsado Maraakiibta u socoto Isra’iil. S/G.Yaxye ayaa xaqiijiyey “sii wadida taraafikada socdaalka ee biyaha Carabta iyo Badda Cas ee dhammaan adduunka oo dhan marka laga reebo dekedaha la haysto ee Falastiin”,S/G.Yaxye ayaa xusay in kooxda Xuutiyiinta ey sii wadi doonto “iney ka hortagto Maraakiibta u socoto Isra’iil ama kuwa u socdo dekedaha la haysto ee Falastiin,waxa uu intaas raaciyey in weerarada Xuutiyiinta ey ku istaagi karaan oo kaliyah ayadoo la joojiyo duqeymaha iyo ayadoo go’doominta laga qaado Marinka Gaza. Marka la eego weerarada ey sida wadajirka ah u qaadeen dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ee lagu bartilmaameedsaday goobaha ey Yeman kaga sugan yihiin Xuutiyiinta maalmihii la soo dhaafay ayuu afhayeenku xaqiijiyey iney jawaabtu u imaan doonto si lama huraan ah,waxa uuna afhayeenku balan qaaday ineysan sii jiri doonin jawaab la’aan gardara kasta oo cusub,waxa uuna xusay iney tani ka imaaneyso gudaha dalka Yeman iyo xuquuqda sharciga ah ee lagu difaacaayo shacabka Yeman iyo xaqiijinta taageerada joogtada ah ee caawinta walaalahayn ku sugan Marinka Gaza.
ISHA/ARAB.