XUUTIYIINTA OO BARAKICIN KA WADA….
(SAWIRKA)-MALEESHIYAADKA XUUTIYIINTA.
(SANA’A)-Wararka laga helaayo casimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiinta ee maamusha Waqooyiga dalka Yeman intiisa badan ey bilaawday iney barakicin ka sameeyso qeybo ka mid ah degaanada Gobolka Xudeyda ee Galbeedka dalka Yeman. Sida uu dhigaayo Qorshaha dawladda Iraan,Xuutiyiinta ayaa bilaabay barakicinta mawaadiniinta degan Xudeyda,maleeshiyaad Xuutiyiinta ayaa dhisaya wado gaaban oo loo maro Raas Ciise kana timaad degaanka AL-Mamlaax ee xeebta halkii ey ka dhisi lahaayeen wadada weyn,si ey ugu fududaato daabulidda agabka laga keenay dalka Iraan si loogu weeraro Maraakiibta marta Badda Cas. Ila wareedyo maxali ah oo rasmi ah ayaa shaaca ka qaaday hawlgalo qasab ah oo maleeshiyaadka Xuutiyiinta ey ka fuliyeen degaanka Raas Ciisa ee Gobolka Xeebta Xudeyda ee dhaca Galbeedka Yeman. Ku-xigeenka xoghayaha Gobolka Xudeyda Waliid AL-Qadami ayaa sheegay in gudi ku xiran waxa loogu yeero Nabad Sugida iyo Sirdoonka Xuutiyiinta ey soo degeen oo ey diiwaan geliyeen tirada Qoysaska iyo mawaadiniinta ee Raas Ciisa oo ka kooban seddex Tuulo oo kala ah Diir AL Zuxayfi,Diir AL weli iyo Dabrah si loogu diyaar garoobo sidii looga soo wareejin lahaay Gobolka iyagoo raacaayo wadadii ey Isra’iil ka sameysaneysay Marinka Gaza. AL Qadimi ayaa ka digay barakicinta mawaadiniinta isagoo ku micneeyey in maleeshiyaadku Xuutiyiinta doonayaan iney Raas Ciisa ka dhigaan aaga dhaqaale oo shidaal sida qorshaha ey wadaan iyo si ey ugu shaqeeyaan si raaxo leh iyadoo eysan joogin mawaadiniinta Gobolka. Shaqada ayaa socoto iyadoo ey kormeerayaab khubaro ka socoto dalka Iraan iyo kuwa kale oo ajaanib ah xilliyada qaarkood goobjoog ka ah hawsha sida ey u socoto.
ISHA/SBM.