XUKUUMADDA YEMAN OO EDEYN U JEEDISAY…
(SAWIRKA)-WASIIR MUCAMAR.
(YEMAN)-Hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan Horumarinta Barnaamijyada ee (UNDP) kana hawlgasha dalka Yeman ayaa dhibaato ka dhex abuurtay Xukuumadda Yeman ee uu caalamku aqoonsan yahay iyo koox u dooda Xuquuqda dadka ka dib markii Xafiiska UNDP-da Sanca uu gacanta ka saaray Xuutiyiinta lacag dhan $750-kun oo doolarka Maraykanka ah,lacagtaan ayaa loogu talagalay in wax looga qabto Miinooyinka dhulka ku aasan iyo waxyaabaha kale ee dhibaateeyo dadka shacabka ah. Arrintaan uu ku kacay xafiiska UNDP-da Sanca ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Warfaafinta dalka Yeman Mucamar Al-Eryaani waxa uuna ku tilmaamay arrin aan la aqbali karin xadgudubna ku ah jiritaan dalka Yeman mana ka tarjumayso ayuu yiri Wasiir Mucamar dhabta ka jirta dhulka Yeman,waxaane tixgelin la’aan uu ku tilmaamay nolosha dadka Yeman ee maalin walba ku dhimanaayo Miinooyinka ey Xuutiyiintu dhigaan wadooyinka goboladda Yeman.
ISHA/ARAB NEWS.