XUKUUMADDA FALASTIIN OO SI-CASISHAY MAANTA.
(SAWIRKA)-MW-CABAAS OO WARQADII IS-CASILAAD KA AQBALAY RW-SHATIYEH.
(RAAMALAH)-Wararka ka imaanayo dhulka reer Falastiin ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Falastiin ee caalamk aqoonsan yahay Maxamuud Cabaas uu qaaday talaabo horumara ah isagoo aqbalay Is-casilaad Xukuumadda uu hogaamiyo Maxamed Shatiyeh oo ah xubin ka tirsan Golaha dhexe ee Jabhadda Fatax, isagoo ku dhawaaqay in maamulka reer Falastiin uu diyaar u yahay inuu la wareego Marinka Gaza dagaalka ka dib,balse waa tallaabo u baahan ka fiirsi badan,waayo waxa ey u baahan tahay dhawr arrimood oo aad muhim u ah in xal loo helo eyna ka mid yihiin: (1)-In dagaalka la joojiyo lana aqbalo in Isra’iil ey Marinka Gaza ku wareejiso maamulka uu hogaamiyo Maxamuud Cabaas, (2)-Waxaa u baahan in isfaham balaaran lala yeesho Xarkada Xamaas oo ayadu maamuleysay Marinka Gaza dagaalka ka hor xoogna uga saaraay Jabhadda Fatax ee uu hogaamiyo MW-Maxamuud Cabaas,intaas oo culays ayaa ku gadaaman sidii loo sameyn lahaay dawlad ey leeyihiin reer Falastiin loona dhan yahay. Ila wareedyo xog-ogaal ah kuna kala sugan Raamalah iyo Marinka Gaza ayaa sheegay iney socdaan wadatashiyo la xiriiro sidii loo soo dhisi lahaay dawlad ey iska leeyihiin dadka reer Falastiin waane fariin MW-Cabaas uga timid Hogaamiyeyaasha caalamka,MW-Cabaas ayaana sheegay inuu diyaar u yahay inuu qaato doorkiisa shariifka ah.
ISHA/AL-SHARQ ALAWSAT.