XUKUUMADA LUBNAAN OO KU DHEGAN UNIFIL.
(SAWIRKA)-XEEBTA LUBNAAN.
(BEIRUT)-Hawlgaladda ey garwadeynka ka tahay Qaramada Midoobe ayaa inta badan waxaa soo wajaho Cambaareyn kaga imaaneyso dawladaha ey ka hawlgalaan,tusaale ahaan dalka Soomaaliya waxaa ka hawlgalo ciidamo ka socdo Ururka Midawga Afrika(ATMIS) kuwaaso in mudda ah dalka ku sugnaay waxna aan ka qaban dagaalka lagula jiro Argagixisada Alshabaab,dalka Soomaaliya ayey soo galeen sannadkii 2007-dii waxa eyna ceebtooda soo baxday markii CXDS ey u awood sheegteen kooxda Alshabaab kana saareen dhul aad u baaxad weyn kana tirsanaay degaanada ey maamulaan. Dalka Lubnaan waxaa joogo ciidamo ka socdo Qaramada Midoobe loona yaqaano(UNIFIL) kana kooban dawladdo u badan reer Yurub ah,hadaba Lubnaan ayaa su’aalo ka weydiin doonto hawlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobe ee ku saabsan afduubka loo gaystay Dhamme Cimaad Emhaz oo ka tirsan ciidamadda Badda ee dalka Lubnaan,afduubkaan oo ka dhacay Waqooyiga caasimadda Beyruut ayaa lagu tuhmaa iney gaysatay Isra’iil oo gacan ka heleyso ciidamadda UNIFIL,sidaas waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Lubnaan,mawaadinka reer Lubnaan ayaa Jimcihii kooxo hubeysan ey ka qafaasheen degaanka Batroun oo qiyaastii 30-KM Waqooyi kaga beegan Beyruut. Ciidamadda Nabad Ilaalinta ee Qaramada Midoobe kana hawlgala Lubnaan ee UNIFIL ayaa Masuul ka ah la socodka Xeebaha Lubnaan iyadoo la raacaayo Qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe ee tirsigiisu yahay 1701.
ISHA-MEMO.