SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XUKUN IYO GANAAX LAGU RIDAY SHIRKADA BIN LADIN.

(SAWIRKA)-DHISMIHII SOO DUMAY EE XARAMKA.

(RIYAD)-Sideed sano ku dhawaad ayaa laga joogaa kuna beegneed Jimco-11/9/2015-kii markii uu soo dumay qeyb ka mida Xaramka Makkah,shilkaan ayaa waxaa ku geeriyooday dad gaarayo 111-qofood waxaane ku dhaawacmay 209-qofood oo kale,sida ey sheegeen hayadaha amniga Sacuudiga shilkaan ayaa waxaa sababay dabaylo xoog badan oo ku dhuftay dhismaha Xaramka Makkah,dabaylaha ayaa ku socday xawaare dhan 80KM/saacadii. Dacwadaan ayaa soo socotay in mudda ah waxaane xukun horay ugu riday maxkamada Racfaanka ee dalka Sacuudiga laakinse waxaa hadda xukunkaas ayiday maxkamada Sare ee dalka Sacuudiga,waxaane shirkadda dhistay dhismaha soo dumay lagu ganaaxay lacag dhan 20-kun Riyaal Sacuudi. Maxkamada ayaa xukun ku riday sideed agaasime,Madax Waaxeedyo,Madax fulin iyo Eng.kuwaaso lagu wada xukumay min seddex sano oo xarig ah

ISHA/GAZETTE.

HALKAN KA SI AKHRISO.