XUKUMADA DENMARK OO ISKU KHILAAFSAN…
XERADA ROJO EE SUURIYA.
(DENMARK)-Maalmo ka hor waxa aan idinla wadaagay qoraal ka hadlaayey laba gabdhood oo asalkoodu yahay Somali balse haysta dhalashada dalka Norway,gabdhahaan ayaa ka mid ahaay gabdho badan oo la duufsaday aadayne dagaalka dalka Suuriya waqtigii uu socday dagaalka lagula jiro kooxda ISIS(Daacish) sannadkii-2014-kii,inta badan gabdhaha la khalday ayaa ka kala ymid wadamadda Yurub iyo Maraykanka waxayne guursadeen dagaalyaano ka tirsan Daacish waxa eyna u dhaleen caruur,ka dib markii ey noqdeen kuwa la dilay iyo kuwa qabtay ragii u dagaalamaayey Daacish ayaa waxaa banaanka yimid dumarki ey qabeen iyo caruurtii ey ka dhaleen,waxaane dhacday in dumarka iyo caruurtooda la isugu keeno xero ey maamulaan xoogaga Kurdiyiinta dalka Suuriya Waqooyi-bari dalka Suuriya halka loo yaqaano RAJO. Hadaba,kala qeybsanaan muuqata waxa ey soo kala dhexgashay gudaha xukuumadda isku dhafka ah ee dalka Denmark gaar ahaan arrinta ku saabsan dib u soo celinta dumar u dhashay dalka Denmark iyo caruurtooda kuwaaso laga soo qaadaayo xerada lagu haayo xaasaska iyo caruurta dagaalyahanadii Daacish ee ROJO kuna taalo Waqooyi-bari dalkaSuuriya.
ISHA WARKA AA.