XOGHAYAHA QARAMADA MIDOOBAY GUTERRES OO CAMBAAREEYEY…
(UN):Xoghayaha qaramadda mIdoobay Antonio Guterres ayaa cambaareeyey dilkii toogashadda ahaay ee lagu fuliyey sagaal qofood oo Yamaniyiin ah kuwaasoo eey Xuutiyiinta ku eedeeyeen ineey ka dambeeyeen dilkii eey dileen diyaaradaha isbahaysiga ee uu hogaamiyo Sacuudiga masuul sare oo ka tirsan Xuutiyiinta msuulkaas oo lagu magacaabi jiray Saalax Al-Samad,dilka Saalax Al-samad ayaa waxa uu dhacay sannadkii 2018-kii waxa uuna ka dhacay magaaladda Xudayda ee dhacda Galbeed dalka Yaman dhinacana ku hayso badda Cas.”Xoghayaha guud ee qaramadda midoobay Gutteres ayaa si aad ah uga xumaaday dilkii eey Xuutiyiinta dileen sagaal qofood oo uu ka mid ahaay wiil dhallinyara ah kaaso la xiray isagoo ka yar da’ada dadka lagu xiro”sidaas waxa qoraal ku sheegay afhayeenka Guterres Mr.stephene.XIGASH MEMO.