SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XIZBULLAH OO DIIDAN MUDDO U KORDHINTA UNIFIL.

(SAWIRKA)-BAR KOONTAROOL EY LEEYIHIIN UNIFIL LIBNAAN.

(NEW YORK)-Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe(UNSC)ayaa maanta oo Khamiis ah(31/8/23)-ka waxa uu u fadhiistay sidii waqtiga loogu kordhin lahaay Ciidamadda Nabad Ilaalnta ee jooga Koonfurta dalka Libnaan waane halka ey xuduuda iskula wadaagaan dalalka Libnaan iyo Israel, go’aanka Golaha ayaa waxaa ka mid ah in ciidamadda Israel ey isaga baxaan Koonfurta dalka Libnaan,waxaane go’aan waqti u kordhinta Ciidamadda Nabad Ilaalinta ee jooga dalka Libnaan la gaari doonaa Khamiista inagu soo fool leh(7/9/23)-ka. Ciidamadda Nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobe ee jooga Koonfurta dalka Libnaan loona yaqaano UNIFIL ayaa la sameeyey sannadkii 1978-dii waxa eyna halkaasi joogaan muddo dhan 45-sano oo xiriir ah,waxaane hadda la rabaa in loogu daro muddo sannad ah kana bilaabaneyso 31/8/23-ka kuna eg 31/8/24-ka si ey hawshooda u sii wataan. Muddo kor dhintaan loo sameynaayo Ciidamadaan Nabad Ilaalinta ee Qaramada Midoobe(UNIFIL) ayaa waxaa diidan xoogaga Xizbulaahi ey taageerto Iraan kana hawlgala dalka Libnaan.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.