XIRIIRKA DALALKA IRAAN IYO JARMALKA OO SII..
(SAWIRKA)-JAMSHID SHARMAHD OO FADHIYA MAXKAMADA TEHRAN.
(TEHRAN)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Jarmalka ayaa sheegtay maanta oo khamiis ah in dalka Jarmalku uu xiri doono Qunsuliyadiisa ka furan dalka Iraan,balse Safaaradda dalka Jarmalka ey sii shaqeyn doonto,dhacdaan ayaa jawaab u ah Xukun dil ah ey dawladda Iraan ku fulisay Mawaadin Jarma ah asalkiisa ka soo jeedo Iraan. Dalka Jarmalka ayaa bixiyey amar ah in la xiro seddex Qunusliyadood ey Iraan ku kala leedahay Frankfurt,Hamburg iyo Munich taaso jawaab u ah Toogashadii lagu fuliyey Jamshid Sharmahd oo 69-jir ah. Arrintaan ayaa waxaa ka hadashay Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalka Jarmalka Annalena Baerbock waxa eyna dilka Sharmahd ku tilmaantay in dawladda Iraan tahay mid Arxan daran. Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Jarmalka ayaa ku dhawaaqday fiidnimadii shalay oo Arbaca ahayd in Safiirkii Jarmalka u fahdiyey caasimadda Tehran Markus Butzel uu ka baxay dalka Iran ka dib markii la toogtay Sharmahd,Wasaaradda ayaana sheegtay iney Safiirka ugu yeertay la tashi. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka ayaa sheegay iney iska cadahay in dilka muwaadinka Jarmalka ah uu sababi doono “Xumaan Daran” oo taabata xiriirka Iraan iyo Jarmalka taaso mar hore la dhimay lana gaarsiiyey heerka ugu hooseeyo. Isniintii ina soo dhaaftay ayey ahayd markii Waaxda Garsoorka ee dalka Iraan ey ku dhawaaqday in xukun dil ah lagu fulin doono Sharmahd,kaaso lagu xukumay Sharmahd dil toogasha ah sannadkii 2022-kii ka dib markii lagu helay eedeymo la xiriira Argagixisonimo, eedeymahaas oo ey si adag u beeniyeen Dawaladda Jarmalka, ehelka Sharmahd iyo Hayadaha u dooda Xuquuqul Insaanka. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jarmalka ayaa u yeertay sii hayaha Safaaradda Iraan Talaadadii la soo dhaafay si ey ugu wargeliso cabashada xoogan ey kaga soo horjeedo talaabadaan,Danjire Botzel ayaa sidoo kale cabasho u gudbiyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iraan ee Tehraan.
ISHA-WAKAALADO.