SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XILDHIBANO MARAYKAN AH OO WARQAD U QORAY..

(SAWIRKA)-ILHAN CUMAR IYO RASHIDA.

(WASHINGTON)-Qaar ka mid ah Sharci Dejiyeyaasha dalka Maraykanka ayaa warqad u diray Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyagoo su’aal ka keenay ku lug lahaanshaha Ciidamadda Qalabka Sida ee Maraykanka ee dagaalka Gobolka ey ku fidisay Isra’iil iyo guud ahaan Bariga dhexe,sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Anadolu. “Ku lug lahaanshaha Mileteriga Maraykanka ee dagaaladaan ma eysan fasixin Koongareeska Maraykanka, sida uu qabo Dastuurka iyo Sharciga Maraykanka”. “Shacabka Maraykanka waxay si cad u sheegeen iney doonayaan iney arkaan Xabad Joojin deg deg ah,joojinta dagaaladaan iyo soo celinta la haystayaasha,ma ahan iney qoto dheereeyaan ku lug lahaanshaha Maraykanka ee dagaal-Goboleed aan dhammaad lahayn”ayey qoreen Sharc-Dejiyeyaasha. Warqadda ey Qoreen Sharci-Dejiyeyaasha waxaa ku saxiixnaa “ Xilldhibaanad Rashiida Taalib(D),Xildhibaanad Cori Bush(D),Xildhibaan Andre Carso(R),Xildhibaanad Summer Lee(D) iyo Xildhibaanad Ilhaan Cumar(D).

ISHA-MEMO.

HALKAN KA SI AKHRI.