XATOOYADII QARNIGA EE DALKA CIRAAQ.
TAIF SAMI WASIIRADDA MAALIYADDA CIRAAQ.
(BAQDAD)-Dalka Ciraaq waxaa ka dhacay xatooyo aan horay loogu arkin dalkaasi Ciraaq waxaane xatooyadaas gaystay masuuliyiin reer Ciraaq ah oo si farsameysasn isu daba mariyey lacag aad u fara badan,hadaba shabakad saraakiil reer Ciraaq ah kana dhex shaqeeyo hayadaha dawladda Ciraaq ayna ka mid yihiin Haydda Canshuuraha iyo Hayadda la dagaalanka Musus-Maasuqa ayaa baaritaan lagu sameyey ayagoo lagu edeynaayo ineey xadeen lacag gaareyso ilaa Balaayiin Diinaarka reer Ciraaq ah waxa eyna lacagtaasi ka xadeen xisaabaadka canshuurta ey leeyihiin Shirkadaha Caalamiga ah ee Shidaalka,sidaas waxaa ogaaday soona bandgigay Wargayska ‘MIDDLE EAST EYE’ ee fadhigiisu yahay London.
ISHA WARKA MEE.