SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XASUUQ KA DHACAY GOBOLKA DAARFUUR EE SUDAN.

(SAWIR)-KA. DAARFUUR.

(DAR-FUR)-Weerarada ciidamadda Taageeradda Deg dega ah(RSF) ee dalka Suudaan ey ka wadaan Galbeedka Daarfuur ee ka dhanka ah dadka Massalit iyo Bulshooyinka kale ee aan Carabta ahayn waxay ka dhigan tahay Isir sifeyn iyo Xasuuq suurtagal ah,sidaas waxaa maanta oo Khamiis ah sheegtay Hayadda u Dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch(HRW). Ciidamadda Taageeradda deg Dega ah(RSF) iyo maleeshiyaadka xulafadda la ah ayaa lagu eedeeyey iney dileen kumaanaan qofood eyna barakiciyeen boqolaal kun oo kale intii uu socday weerarkii ka dhacay EL-Geneina ee ah xarunta Gobolka Daarfuur muddadii u dhexeysay bishii Abriil iyo bishii Noofembar-2023-kii. HRW waxa ey ka diiwaangelisay weerarada aan joogsiga lahayn ee RFS iyo Maleeshiyaadka huwanta ah oo ey ku jiraan Tamazujka seddexaad ee ka dhaca meelaha ey u badan yihiin Massalit ee El-Geneina intii u dhexeysay bilaha Abriil ilaa Juun ee sannadkii 2023-kii. Kooxda u dooda Xuquuqda ayaa sheegtay in gacan ku dhiigleyaasha ey gaysteen xadgudubyo kale oo waa weyn oo ey ka mid yihiin Jirdil,Kufsi iyo Dhac. HRW waxa ey sheegtay in beegsiga Massalitka iyo dad kale ee aan Carabta ahayn iyadoo ujeedku yahay in ugu yaraan si joogta ah looga barakiciyo Gobalkooda ey la mid tahay Isir sifeyn. Waxa ey sidoo kale sheegtay in falalka waxashnimada ah ee la sameeyo in looga dan leeyahay in lagu burburiyo gebi ahaan ama qeyb ahaan Massalitka dega Galbeedka Daarfuur,taasine waxa ey muujinaysaa in sidoo kale uu halkaasi ka dhacay Xasuuq.

ISHA.MEE.

KA AKJRI HALKAN.