XAMAAS OO SII DEYN DOONTO AFAR ASKERI OO…
(SAWIRKA)-GABDHAHA XAMAAS SII DEYN DOONTO BERRI OO SABTI AH.
(QAAHIRA)-Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamin Netanyahu ayaa fiidnimada maanta oo Jimcaha go’aansaday inuu la tashado Madaxda laamaha Amaanka iyo inuu horay u sii wado liiska haweenka Maxaabiista ee la qorsheeyey in la sii daayo Sabtida berri ah sida ey soo gudbisay Xamaas. Sida laga soo xigtay Kanaalka-12-aad ee Isra’iil,ka qeybgalayaasha kulanka ayaa si wadajir ah waxay u go’aansadeen in Xamaas ey jebisay qeyb ka mid ah Heshiiskii, Xadgudubkana uusan ahayn mid halis ah waxaane inagu filan oo kaliya in nuska Maxaabiis isdhaafsiga uu yahay dhammaad,sida uu qoray Wargayska The Times Of Isra’iil. Sida uu qabo Wargayska Isra’iil ee The Times Of Isra’iil heshiiska ayaa dhigaayo in marka hore la sii daayo dumarka aan askarta ahayn,ka dib dumarka askarta ah,ka dib dadka da’ada ah,ugu dambeyntana kuwa Xanuunsan. Isra’iil ayaa dawaladdaha Masar,Qadar iyo Maraykanka oo ah kuwa ku jiray dhexdhexaadinta Isra’iil iyo Xamaas u sheegtay in liiska afatra gabdhood ee Maxaabiista ah ey Xamaas sii deyneyso maanta Sabti ah uusan waafaqsaney Heshiiskii la gaaray Xamaasne ey jebisay qodob ka mid ah. Sida uu dhigaayo heshiiska la gaaray Dumarka rayidka ayaa ka horeeyo dumarka Ciidamadda ah ayey Isra’iil ku doodeysaa. Dhinaceeda,”Madasha Qoysaska Maxaabiista Isra’iil”ayaa daabacday caawa magacyadda afarta gabdhood ey Xamaas sii deyneyso Sabtida,waxa eyna qeyb ka yihiin Maxaabiis isdhaafsiga Xamaas iyo Isra’iil qeybtiisii labaad. Madasha ayaa soo saartay bayaan ey ku soo dhaweyneyso sii deynta gabdhaha kala ah”Liri Albag oo 19-jir ah,Daniella Gilboa oo 20-Jir ah,Karina Ariev oo 20-Jir ah iyo Naama Levy oo 20-Jir ah”gabdhahaan ayaa gacanta Xamaas ku jiray muddo dhan 477-maalmood. Gabdhahaan ayaa laga afduubay qeybta ilaaladda ee Ciidamadda Difaaca Isra’iil ee saldhiga ciidanka Nahal OZ intii uu socday weerarkii ey kooxda Xamaas ugu magaca dartay DUUFAANTII AL-AQSA’A, 7/10-2023-KII. Mid ka mid ah askarta la afuubay ayaa la soo badbaadiyey halka mid kalane la soo heley meydkeeda,shanta gabdhood ee la afduubay ee ilaaladda ahayd ayaa Agam Berger oo 21-jir ah laga reebay liiska gabdhaha berri la sii deyn doono,waxaane jira laba dumara ah oo rayid ah kuna jira liiska asalka ah ee 33-Maxbuus kuwaaso lagu wado in lagu sii daayo wejiga koowaad ee Xabad joojinta.
ISHA-WAKAALADO.