SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XAMAAS OO GENTAAL KU RIDAY ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-GOOBTA UU KU HABSADAY GANTAALKA XAMAAS.

(NEW YORK)-Wargayska caalamiga ah ee New York ee dalka Maraykanka ayaa ku sheegay warbixin uu daabacay Isniinta maanta ah kuna beegan 4/12/23-ka iney u badan tahay in gentaalka ey soo rideen dagaalyahanada dhaqdhaqaaqa iska caaninta islaamiga ah ee Xasaam intii lagu guda jiray hawlgalka “Duufaanta AL-Aqsa”ee 7/10/23-ka ee lagu qaaday saldhigyada Mileteriga Isra’iil,khubarada ayaa sheegay in gantaalada qaar ka mida ey ku habsadeen goobo lagu keydiyo madaxyada Hubka Nukliyeerka ee dalka Isra’iil, sida lagu sheegay falanqeyn muuqaal ah oo ku saabsan saameynta weerarka uu sameeyey Wargayska New York Times ee dalka Maraykanka. Waa run in gantaaladda Nukliyeerka ah laftooda aan la garaacin balse uu saameeyey gantaalka lagu garaacay saldhiga Sdot Micha ee bartamaha Isra’iil ayaa sababay dab ku dhawaaday xarumaha lagu keydiyo gantaaladda Nukliyeerka iyo hub kale oo xasaasi ah. Dhinaca kale,sida uu qoray Wargayska New York Times,Isra’iil weligeed ma qiran jiritaanka Hubka Nukliyeerka ah balse Isra’iil ayaa qariso kana dhigtay sir ayada u gaar ah,falanqeyeyaash sawirka dayax gacmeedka ayaa dhammaantood isku raacay in dalka Isr’iil haysto ugu yaraan tiro yar oo Hubka Nukliyeerka ah.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.