SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XAMAAS OO DALBATAY HESHIIS QORAA AH.

(SAWIR)-KA MARINKA GAZA.

(WASHINGTON)-Xarakadda Xamaas ayaa dalbatay “Balan qaad Qoraal ah oo cad” in Isra’iil ey ka bixi doonto Marinka Gaza inta lagu guda jiro wejiga labaad ee heshiiska xabad joojinta ah oo seddex weji ah,sarkaal sare oo Masar ah iyo sarkaal Xamaas ah ayaa sheegay sidaas maanta oo Axad ah. Xamaas Sabtidii ayey sheegtay iney jawaabta lix todobaad oo xabad joojin ah ey u gudbisay dhexdhexadiyeyaasha Masar iyo Qadar. Xamaas waxa kaloo ey sheegtay iney weli ka go’an tahay dalabkeeda xabad joojinta ah,ka bixitaanka ciidmaadda Isra’iil dhammaan qeybaha Marinka Gaza ey ka joogaan,ku noqoshada dadka barakacayaasha ah guryahood,xoojinta qulqulka gargaarka iyo bilawga dib u dhiska dhismayaashii ku burburay dagaalka. Xarakadda Xamaas ayaa tiri” Waxaan xaqiijineynaa sida aan diyaarka ugu nahay inaan gaarno heshiis ku saabsan is dhaafsiga Maxaabiista ee labada dhinac”. Isra’iil ayaa Axadii hore sheegtay in Xamaas ey diidan tahay soo jeedintii ugu dambeysay ee heshiiskii la gudbiyey todobaadkii hore.

ISHA/POLITICO.

RIIX HALKAN.