SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XAMAAS IYO XIZBULAAHI KEEBAA AWOOD BADAN?

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA XAMAAS.

(BEIRUT)-Marka laga hadlaayo arrimaha Gobolka Bariga dhexe waxaa muhiim ah inaan is xusuusino dhawr arrimood ey tahay inaan dul istaagno,arrimaha mudan in la dul istaago ayaa waxaa ka mida awoodaha isku haayo Gobolka Bariga dhexe. Marka la aado dhinaca Diinta diimaha ugu awooda badan Goolka Bariga dhexe ayaa kala ah Diinta Islaamka(Sunni iyo Shiico) iyo Yahuuda,labadaan ayaa ah labada diimood ee awood ahaan uga jira Gobolka Bariga dhexe waxaane soo raaco diinta Kirishtaanka. Ururada ka jiro Bariga dhexe waa kuwa aad u fara badan lehne awood ciidan oo ka muuqata goboka,tusaale ahaan Ururka Xamaas,Ururka Jihaad AL-Islaami iyo Ururka Xizbullaah dhammaan ururadaan aan soo sheegay ayaa ka soo wada horjeedo dhul boobka Israel ka wado dhulka reer Falastiin,dhammaantoodna waa ururo hubaysan una dhisan sidii ciidamada Miiteri ah oo kale. Ururka Xamaas uu saldhigiisu yahay Marinka Gaza ayaa Sabtidii waxa uu weerar lala yaabay ku qaaday Israel gaar ahaan israa’iiliyiinta laga keenay dibadda ee la soo dejiyey dhuka reer Falastiin,weerarkaan ayaa banaanka keenay tabar daridda sirdoonka reer Israa’iil ee la socodka dhaqdhaqaaqa xoogaga ka soo horjeedo dib u dejinta Israa’iliyiinta laga keenay diabdda.

ISHA/BBC-SOMALI.

HALKAN KA SI AKHRISO.