XAMAAS IYO ISRA’IIL OO ISKU MARI LA’A HESHIIS.
(SAWIRKA)-LA HAYSTAYAASH REER ISRAEL.
(TEL AVIV)-Warbaahinta Isra’iil ayaa sheegtay Talaadada maanta ah in Xamaas ey codsatay xabad joojin muddo todobaad ah si ey u diyaariyaan liiska magacyada Maxaabiista nool ey codsatay Isra’iil. Maamulka ayaa xaqiijiyey in marka loO fiiriyo soo jeedinta Xarakadda Xamaas wax Maxaabiis ah lama sii deyn doono todobaadka soo socdo,ciidanka Isra’iilna ey sii joogi doonaan Marinka Gaza,dadkii ka barakacay Gaza kuma soo laaban doonaan guryahooda. Sida ku cad soo jeedinta Xamaas, wareejinta liiska loo baahan yahay ayey Xamaas gudbin doontaa maalinta afaraad ee xabad joojinta. Ilaha warbaahinta Isra’iil ayaa mar sii horeysay ka hadlay qodobada la isku haayo kuna saabsan wejiga koowaad ee heshiiskii sii xumaanaya ee Gaza, kaaso dhexdhexaadiyeyaashu ey raadinayaan in la soo gabgabeeyo bilo. Hayadda warbaahinta Isra’iil ayaa sheegtay in Xamaas ey qeyb ahaan diiday liiska Maxaabiista ey Isra’iil ku adkeysaneyso in la sii daayo inta lagu guda jiro wejiga koowaad ee heshiiska kasta oo xabad joojin ah. Sida laga soo xigtay maamulka,oo soo xiganaya ilo Falastiiniyiin ah oo aan la magacaabin,Xamaas ayaa diyaar u ah iney sii deyso 22 ka mid ah 34-Maxbuus ee ku jira liiska,laakin waxay diiday iney ogolaato sii deynta 12-kale oo la haystayaal ah. Taas bedelkeeda,ayey warbixintu sheegtay in Xamaas ey soo bandhigtay 22 Maxbuus oo nool iyo 12-Meyd ah inta lagu guda jiro wejiga koowaad ee heshiiska. Warbixintu waxa ey intaas raacisay in Isra’iil ey diiday fikradaas oo ey ku adkeysatay in 34-Maxbuus oo nool la sii daayo inta lagu gda jiro wejiga koowaad ee sii deynta Maxaabiista iyo heshiiska xabad joojinta.
ISHA-AA.