XAMAAS: CAMAAN, DIMISHIQ IYO DOOXA.
(SAWIRKA)-HOGAAMIYEYAASHA XAMAAS.
(DOHA)-Ayadoo dawaladda Qadar ey hakisay dadaalkeed ku aadanaay dhexdhexaadinta Xamaas iyo Isra’iil ilaa laga helaayo waxa ey Qadar ugu yeertay”Khatarta lagama maarmaanka ah”ee wada xaajoodka,waxaane soo baxaayo warar leysla dhexmaraayo oo ku saabsan joogitaanka Xarakadda Xamaas ee reer Falastiin ee caasimadda Dooxa. Waqti ey soo baxayaan dhawr warbixinood ey warbaahintu ka soo xiganeysay masuuliyiin diblomaasiyadeed kuwaasoo sheegay in dalka Qadar uu u dhaqaaqay inuu xiro Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas,sabbatoo ah”Ma eysan fulin ujeedadii”,Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dawladda Qadar ayaa xaqiijiyey in wararka la isla dhexmaraayo eysan ahayn kuwa sax ah ka dib markii uu Dooxa ku qabtay Shir Jaraa’id. Arrimahaan ayaa imaanaayo ka dib dadaalo ey dawladda Qadar ku dooneysay iney ku dhexdhexaadiso labada dhinac(Xamaas iyo Isra’iil),taaso keentay in heshiis ku meel gaara ah la gaaro Noofembar-2023-kii kaaso dhaliyey in la is dhaafsado la haystayaasha reer Isra’iil iyo maxaabiista reer Falastiin. Si kastaba ha ahaatee,wada hadaladda ayaan wax horumar ah laga gaarin tan iyo xilligaas,taas ayaan sababtay in dawladda Qadar hakiso dhexdhexaadinteeda Sabtidii shalay ahayd.
ISHA-ARABY.