SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XABSIYADA DALKA BAXRAYN.

(SAWIRKA)-CALANKA BAXRAYN.

(BAXRAYN)-Sida ey ku soo warameen kooxaha u doodo xuquuqda dadka reer Baxrayn Maxkamad ku taalo dalkaasi Baxrayn ayaa xukun ku riday seddex iyo toban maxbuus siyaasadeed oo ka horyimid daryeel xumidda ka jirta gudaha xabsiga ey ku xirnaayeen waqtigii uu jiray caabuqa Covid-19. Ragaan ayaa xabsiga waxa ey kula xirnaayeen dad gaaraayo ilaa 60-maxbuus oo lagu xadgudbay xuquuqdooda iyo inaan warkooda la gaarsiin hayadaha ku shuqulka leh muddo ka badan hal bil ka dib markii xoogaga amniga iyo saraakiisha xabsiga ey jebiyeen qeyb ka mida xabsiga Jaw bishii Abriil-2021-kii,sidaas waxaa laga soo xigtay dukuminti uu faafiyey Machadka Xuquuqda Baxrayn iyo Dimuqaraadiyada(BIRD) ee saldhigiisu yahay dalka Ingiriiska.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.