XABAD JOOJINTII LUBNAN IYO ISRA’IIL OO LA KORDHIYEY.
(SAWIRKA)-BURBURKA SOO GAARAY K/LUBNAAN.
(BEIRUT-LIB)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut ayaa sheegaayo in Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ey Isniinta maanta ah ey sheegtay in 24-qofood ey dileen Ciidamadda Difaac Isra’iil xilli dadka degaanka ey doonayeen iney ku soo laabtaan degaankooda oo ku yaalo Koonfurta dalka Lubnaan. War ka soo baxa Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa intaas raacyey in lix haween ah ey ka mid yihiin dhibanayaasha halka 134-qofood oo kale ey dhaawacmeen,eyna ka mid yihiin14-dumar ah iyo 12-caruur ah. Warar hore ayaa sheegaayo in dhimashadu ey mareyso ilaa 22-qofood. Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay iyadoo ciidamadda Isra’iil ey ku hareen dhulka Lubnaan ka dib markii 60-maalmood oo kama dambeys ah oo ey uga baxaan Koonfurta dalka Lubnaan ey ku ekeed Axadii iyadoo la raacayo heshiis Xabad Joojin ah. Aqalka Cad ayaa Axadii shalay ahayd sheegay in Isra’iil iyo Lubnaan ey ku heshiiyeen in la kordhiyo waqtiga bixitaanka Isra’iil ilaa 18-ka Bisha Feberaayo-2025-ka. Xabad joojinta jillicsan ayaa soo bilaabat 27-11-2024-kii taaso soo afjaraysay duqeymo is daba joog ah oo u dhexeeyo Isra’iil Ururka Xizbullahi duqeymaha ayaa soo bilaabmay 8/10/2023-kii maalin uun ka dib markii Xamaas ey weerartay Isra’iil 7/10/2023-kii,waxa eyna isu bedeshay colaad balaaran 23/9/2024-kii,maamulka Lubnaan ayaa sheegay in Isra’iil ey jebisay heshiiska la gaaray ugu yaraan 660-jeer. Sida ku cad shuruudda Xabad Joojinta, Isra’iil waxaa looga baahnaa iney ciidamadeeda kala baxdo Koonfurta Khadka Buluuga ah,Xuduuda dhabta ah wejiyadooda,halka ciidanka Lubnaan la rabay in la geeyo Koonfurta Lubnaan 60-maalmood gudahood. Xogta laga helay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa tilmaameysa in tan iyo markii ey Isra’iil duqeymaha ka dhanka ah Lubnaan bilawday 8-ddi bishii Oktoobar-2023-kii, ugu yaraan Isra’iil ayaa dishay dad gaaraayo ilaa 4080-qof,waxaane ka mid ah Dumar, Caruur iyo shaqaale Caafimaad,halka ey ku dhaawacmeen tiro gaareyso 16753-qof.
ISHA-AA.