SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

XABAAL WADAREED LAGA HELAY DALKA LIIBIYA.

)SAWIRKA)-BOOLISKA DALKA LIBIYA.

(LIBYA)-Mas’uuliyiinta Liibiya ayaa soo saaray ku dhawaad ​​50 meyd ah oo laga soo saaray labo xabaal wadareed oo ku yaal saxaraha Koonfur Bari ee dalkaasi, sida ey saraakiishu sheegeen Axada maanta ah, waa masiibadii ugu dambeysay oo ey ku lug lahaayeen dad doonayay inay Yurub gaaraan iyagoo sii maraya dalka fowdada ka taagan tahay ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika. Xabaal wadareedkii ugu horeeyay oo ey ku jiraan 19 mayd ayaa Jimcihii laga helay beer ku taal Koonfurta Bari ee magaalada Kufra, Agaasinka Ammaanka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay sidaas, isagoo intaa ku daray in masuuliyiintu ey u qaadeen meydadka goobtii laga baari lahaa. Mas’uuliyiinta ayaa boggooda Facebook-ga soo dhigay sawiro muujinaya ciidamo boolis ah iyo dhaqaatiir caafimaad oo ciidda ka qodaya oo soo saaraya meydad bustayaal ku duuban. Hay’adda Samafalka ee Al-Abreen oo caawisa dadka Muhaajiriinta ah ee ku sugan Bariga iyo Koonfurta Liibiya ayaa sheegtay in qaarkood la toogtay oo la dilay ka hor inta aan la aasin. Xabaal wadareed gooni gooni ah, oo ay ku jiraan ugu yaraan 30 mayd, ayaa sidoo kale laga helay Kufra ka dib markii ey Hayadaha Amaanka ey weerareen xarun dadka lagu tahriibiyo, sida uu sheegay Maxamed AL-Fadeil oo ah Madaxa Qeybta Ammaanka ee Kufra. Dadka badbaaday ayaa sheegay in ku dhawaad ​​70 qof lagu aasay qabriga, ayuu raaciyay hadalkiisa, Ciidamada ayaa wali baarayay goobta. Gelinkii dambe ee Axada maanta ah, mas’uuliyiintu waxay sheegeen inay 76 tahriibayaal ah ey ka soo daayeen xarunta tahriibinta, waxayna xireen saddex qof Liibiyaan ah iyo laba Ajnabi ah oo looga shakisan yahay inay xireen oo jirdil u geysteen dadka Muhaajiriinta. Dacwad oogayaasha ayaa ku amray in eedaysanayaasha lagu sii hayo xabsiga inta laga baarayo. Xabaal wadareedyada Muhaajiriinta ayaan ku cusbayn Liibiya. Sannadkii hore, mas'uuliyiinta ayaa Gobolka Shucayrif oo 350 kiiloomitir (220 mayl) Koonfur ka xigta caasimadda Tripoli ka soo saaray meydadka ugu yaraan 65 muhaajiriin ah. Liibiya waa marinka ugu badan ee Muhaajiriinta ka imaanaya Afrika iyo Bariga Dhexe ee isku dayaya inay u gudbaan Yurub. Dalku waxa uu galay fowdo ka dib kacdoonkii NATO ee lagu Afgambiyey laguna dilay Madaxweynihii mudada dheer Xukumaayey Libiya Mucamar AL-Qadaafi sanadkii 2011. Liibiya oo ah dal qani ku ah saliida ayaa waxaa xukumayay inta badan tobankii sano ee la soo dhaafay dawlado iska soo horjeeda oo ka talinayay Bariga iyo Galbeedka Liibiya, mid walbana waxaa taageeray maleeshiyaad iyo Dawlado Shisheeye. Ka ganacsiga dadka ayaa laga faa'iideystey in ka badan toban sano oo xasillooni darro ah, tahriibinta tahriibayaasha oo ka gudbaya xuduudaha dalalka gaaraya lix waddan, oo ay ku jiraan Chad, Niger, Sudan, Masar, Algeria iyo Tunisiya. Markeey xeebta soo gaaraan tahriibiyeyaashu waxay ku xirxiraan tahriibayaasha doonaya iney nolol dhaanta midii ey ka soo carareen ka helaan Yurub,waxa eyna ku qaadaan tahriibayaasha dooni caag ah oo aan qalabaysan iyo Maraakiib kale oo socdaalo khatar ah ku mara jidka halista ah ee bartamaha badda  Mediterranean-ka. Kooxaha xuquuqul insaanka iyo Hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa sannado badan diiwaangeliyay tacaddiyada joogtada ah ee loo geysto Muhaajiriinta ku sugan Liibiya oo ey ka mid yihiin shaqo qasab ah, garaacid, kufsi iyo jirdil. Xadgudubkan ayaa inta badan waxa uu daba socdaa dadaallo lacago baad ah looga qaadayo qoysaska ka hor inta aan Muhaajiriinta loo ogolaan in ay Liibiya uga baxaan doomaha dadka wax tahriibiya. Kuwa la qabtay oo dib loogu celiyay Liibiya oo ey ku jiraan Haween iyo Carruur ayaa lagu hayaa Xabsiyada ey dowladdu maamusho halkaas oo ey sidoo kale kala kulmaan tacaddiyo ey ka mid yihiin jirdil, kufsi iyo baad, sida ay sheegeen kooxaha Xuquuqda iyo Khubarada Qaramada Midoobay.

ISHA-FRANCE-24.