XAALKA DALKA CIRAAQ OO MARAAYO…
MUQTADA AL-SADRI.
(BAQDAAD)-Dalka Ciraaq waxaa weli ka taagan ismari waay dhinaca siyaasadda ah,waxaane si adag arrintaan ugu lug leh hogaamiye diimeedka shiicadda dalka Ciraaq Muqtada Al-sadri waxaane horay u dhacday in taageerayaashiisa xoog ku galeen aqalka baarlamaanka dalka Ciraaq waxaane markii dambe xooga uga soo saaray ciidamadda amaanka ee dalka Ciraaq. Hadaba maanta oo ah Arbaco ayuu hogaamiye diimeedka reer Ciraaq Muqtada Al-sadri waxa uu cadaadis saaray inaan dalka Ciraaq laga qaban doorasho waqti hore.”Halkaan boos ugama banaana wejiyaddii hore gebi ahaan dhinaca nabadeynta kacaanka iyo dimoqaraadiyadda socodsiinteeda waane in hakad la geliyaa qabashada doorashada lana qabtaa ka dib marka la xaliyo dhibaatada taagan”sidaas waxaa Tv-ga gudaha Ciraaq u sheegay Muqtada Al-sadri.
ISHA WARKA AA.