SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY…

(SAWIRKA)-NINKII WEERARKA KA GEYSTAY AWSTERIYA.

(AUSTRIA)-Maanta oo Sabti ah ayaa wiil dhallinyara ah una dhashay dalka Suriya ayaa weerar mindi loo adeegsaday ka geystay mid ka mid ah wadooyinka magaaladda Vilaach ee Koonfurta dalka Austria, weerarka ayaa sababay dhimashad wiil yar oo 14-jir ah iyo dhaawaca afar kale,kuwaaso ey da’adoodu u dhexeyso 14-jir ilaa 32-jir. Nin 23-jir ah oo magangalyo doon ah oo Suriyaan ah ayaa toorey ku dhaawacay dad badan oo maraayey wado ku taalo magaalada Villach ee dalka Austria,sida uu sheegay Booliska Austria. Afhayeenka Booliska Rainer Dionisio ayaa sidoo kale sharaxay in “Nin si aan kala sooc lahayn uu mindi ugu weeraray dad wadada maraayey ”magaaladda Villach,isagoo xaqiijiyey “In wiil 14-jir ah la dilay”, booliska ayaa intaa raciyey in laba nin uu soo gaaray dhaawac halis ah halka laba kale uu soo gaaray dhaawac aad u fudud. Afhayeenka Booliska waxa uu sheegay in mid ka mid ah shaqaalihii goobjooga ahaa marka uu dhacaayey weerar uu iska tuuray Baaaskiilkii waxaane soo gaaray dhaawac fudud, afhayeenka ayaa timaamay in ninkaan weerarka geystay uu ahaa nin megengalyo doon ah una dhashay Suriya isla markaasne haystay waraaqo sharci ah,ninka geystay dhibka ayeysan boolisku aqoon,ilaa hadane lama yaqaan sababta keentay inuu geysto dhibkan,dhacdadaan ayaa ku soo beegmeysa laba maalmood ka dib weerar baabuur oo ka dhacay magaaladda Munich ee dalka Jarmalka. Sida laga soo xigtay warbaahinta Jarmalka,Sabtida maanta ah gabar laba jir ah ayaa u dhimatay dhaawacii ka soo gaaray weerarkii ka dhacay Munich,kaaso ey ku dhawacmeen ilaa 37-qof. Weerarka ka dhacay Munich ayaa waxaa fuliyey nin u dhashay dalka Afgaanistaan, kaaso da’adiisa lagu sheegay 24-jir, booliska ayaa sheegay in ninkaasi ahaa Xagjir.

ISHA-AA.