WEERAR KA DHACAY DALKA YEMAN.
YAMAN.
(YEMEN)-Sarkaal sare kana tirsan ciidamadda amaanka ee dalkaasi Yemen ayaa lagu dilay weerar eey qaadeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Qaacida,weerarka ayaa waxa uu ka dhacay degmada Ahwar ee gobolka Abyan koonfurta dalka Yemen maatnta oo Talaada ah. Sarkaal la dilay ayey xukuumadda Yemen magaciisa ku sheegtay Yaasir Shaayic waxa uuna ka tirsanaay ciidamadda eey tababartay dawladda Imaaraatka Carabta loona yaqaano SECURITY BELT FORCES(SBF). Kooxda Al-qaacidda ayaa weerarka la beegsatay goob lagu baaro baabuurta ee degmada Ahwar ee gobolka Abyan,taliye Yaasir ayaa ahaay madaxa guutada SBF ee gobolka Abyan waxaane la dhintay 15-askeri oo kula suganeed isla barta koontarool,kooxda soo weerartayne waxaa kaga dhintay 7-dagaalyahan.
ISHA WARKA AA.