WEERAR CULUS OO LAGU QAADAY XUUTIYIINTA.
(SAWIRKA)-DIYAARADAHA WEERARAY YEMAN.
(SANA’A-YE)-Isra’iil ayaa qaaday mawjadeedii shanaad ee duqeymaha cirka ah,waane markii ugu horeysay sannadka cusub-2025-ka, weeradaan ayaa jawaab u ah weerarada Xuutiyiinta ee sii kordhaayo ee ka dhanka ah Isra’iil iyo Maraakiibta dagaalka Maraykanka iyo Maraakiibta Ganacsiga ee ku sugan biyaha Badda Cas,waxaane la bartimaameedsaday goobo muhiim iyo goobo ciidan oo ku kala yaalo Goboladda Sanca iyo Camraan maanta oo Jimca ah iyo sidoo kale Dekeddaha Xudeyda iyo Ras Ciisa oo ku yaaliin Badda Cas,weerarka dhacay maanta ayaa waxaa iska kaashaday Maraykanka,Ingiriiska iyo Isra’iil. Ciidamadda Isra’iil ayaa xaqiijiyey iney duqeeymo ka fuliyeen Sanca iyo Xudeydah,kooxda Xuutiyiinta ey taageero Iraan ayaa sheegay in 12-weearar lala beegsaday goobohooda ku yaalo Xaraf-Sufyaan ee Gobolka Camraan oo 50-KM dhanka Waqooyi ka xiga magaaladda caasimada ah ee Sanca. Weeraradaan ayaa sidoo kale lala beegsaday goobo ey Xuutiyiinta maamulaan oo ku yaalo agagaarka Madaxtooyadda Sanca,halkaaso ey ku yaalaan Xerooyinka AL-Nahdeyn iyo AL-Xaafa oo ey u dheer tahay Xarunta Korotanada Xizyaz ee koonfurta magaaladda Sanca. Waxaa weeraro is daba joog ah lagu garaacay Dekeda Xudeydah iyo Dekeda Shidaalka ee Ras Ciisa ee ku taalo Badda Cas. Weerada Isra’iil ey ku qaado Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa dhacay: 20/7/2024-kii,waxaane lala beegsaday Dekadda Xudeyda. 29/9/2024-kii,waxa weerar lala beegsaday Dekadda Ra’asi Ciisa ee laga dhoofiyo Shidaalka kuna taalo Badda Cas iyo Xarunta dabka dhalisa ee Xizyaz kuna taalo koonfurta Caasimdda Sanca. 19/12/2024-kii, waxaa weerar lala beegsaday Xarunta dabka dhalisa ee Xizyaz ee magaaladda Sanca. 26/12/2024-kii,waxaa weerar lala beegsaday Garoonka diyaaradaha ww Sanca,Dekeda Xudeyda,Camraan iyo Ra’asi Ciisa.
ISHA-AA.