WEERAR AARGOOSI AH OO KA DHACAY…
CIIDAMADDA MARAYKANKA KUNA SUGAN SUURIYA.
(BEIRUT)-Laba gentaal ayaa lagu garaacay saldhig guryo u ah ciidamadda Maraykanka ee degan bariga dalka Suuriya maanta oo Arbaca ah,gentaalada ayaan sababin wax dhimasho iyo dhaawac ah mana gaysan wax burbur hantiyeed ah oo soo gaaray dhismaha iyo qalabkii yiilay. Weerarka dhacay saakay ayaa lagu qaaday Ergada Kaalmeynta ee CONOCO waxa uuna weerarku ka yimid dhinaca dawladda Iraan iyo kooxda ey isbahaystaan kuna sugan gobolka,maanta ayaa ku asteysan sannadguuradii seddexaad markii la dilay taliyihii xoogaga Qudus ee ilaalada kacaanka dalka Iraan Gen.Qasim Suleymaani,Gen.Qasim ayaa waxaa dilay diyaaradaha Drones-ka dalka Maraykanka gudaha caasimadda dalka Ciraaq ee BAQDAAD.
ISHA WARKA AP.