WAX KA OGOW DHACDOOYINKII UGU WAA WEYNAAY 2023-KA.
(SAWIRKA)-DHACDOOYINKII UGU WAA WEYNAAY CAALAMKA SANNADKA-2023-KA.
(LONDON)-Caasimadda dalka Ingiriiska ee London waxaa ka soo baxa Wargaysyo aad u fara badan kuna soo baxa Afaf kala duwan,Wargaysyadaan ayaa ka siman iney ka hadlaan xaaladda markaasi ka taagan adduunka sida dagaalka Isra’iil iyo Xamaas,dagaalka Ruushka iyo Yukrayn iyo wixii kale ee soo raac ee markaasi taagan xiisana leh. Haddii aan u soo laabto Wargaysyada sida aadka ah u falaqeyo xaaladaha ka taagan Bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika ayaa waxaa ka mid ah THE NEW ARAB,waxa uu Wargaskan ku soo baxaa Afafka Carbiga iyo Ingiriiska oo Online ah waxa uuna si gaar ah isha ugu hayaa waxyaabaha ka socdo Adduunka Carabta iyo Adduunka Islaamka,hadaba The New Arb ayaa waxa uu soo bandhigay Tobankii dhacdo ee ugu waa weynaay ee addunka ka dhacay sannadkan 2023-ka ee hadda dhammadka ah,waxa uuna si gaara farta ugu fiiqay dagaalka Suudaan iyo kan hadda ka socdo Marinka Gaza oo maraayo meeshii ugu xumeed lagana cabsi qabo inuu ku sii fido Gobalka Bariga dhexe oo dhan,haddii aan hal iyo labo ka iraahdo waxyaabihii uu soo qaatay wargauska The New Arab ayaa waxaa ka mid ah soo laabashadii Reysal Wasaaraha Isra’iil Neteanyahu iyo dagaalka Marinka Gaza,Dhulgariirkii ku dhuftay Suriya iyo Turkiga,Heshiiskii uu Shiinaha gar wadeenka ka ahaay ee Sacuudiga iyo Iraan,Doorashadii mar labaad la doortay MW-Erdogan.
ISHA/ARAB.