SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WASIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOOMAAMLIYA OO SHAQADA..

SAWIRKA WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO-SOMALIA)-Warqad ka soo baxday xafiiska Raysal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble summadeeduna tahay REF:OPM/0272/5/22,kuna taariikheysneed 24/5/22-ka ayaa waxaa shaqada looga joojiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaliya C/saciid Muuse ka dib markii lagu eedeyey inuu warqad u qoray dalka Cumaan taaso uu wasiirku ku dalbanaayey in la sii daayo markab siday Dhuxul kana yimid Soomaaliya,sida aan la socono dhuxusha laga keeno Soomaaliya waxaa mamnuucday Qaramada Midoobay ka dib markii la soo ogaaday in dhaqaalaha laga helo Dhuxusha eey ku dhacdo gacanta kooxda Al-shabaab, sida muuqato arrintaan ayaa noqon doonto mid culus haddii loo helo cadeeymo lagu maxkamadeyn karo wasiirka. Maalmo ka hor ayey ahayd markii uu RW-Rooble amray Wasiirka Arrimaha Dibadda inuu dib shaqooyinkoodii ugu celiyo shaqaalihi uu isaga shaqada ka saaray, amarkaas ayaa waxaa soo gelaayo safiiradii xilka looga qaaday si aan sharci ahayn sida Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas Talyaaniga.

ISHA WARKA ARABIC-21.

HALKAAN KA SII AKHRISO.