WASIIRO SHIR UGA FURMAY JIDDAH.
SUURIYA IYO JAAMICADDA CARABTA.
(RIYAD)-Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa soo gaaray lix Wasiir Arrima dibadeed kana kala socday Wadamo Carbeed oo xubna ka ah Ururka Jaamicadda Carabta,lixdaan wasiir ayaa Sacuudiga soo gaaray maanta oo Jimca ah(14/4/23)-ka,wufuudaan ayaa dhammaantod waxa ey ka soo wada degeen garoonka diyaradaha ee Boqor C/casiis ee magaaladda Jiddah. Lixdaan Wasiir arrimo Dibadeed iyo dhigooda Sacuudiga ayaa ka wada hadli doono arrimaha dalka Suuriya oo ah in dalka Suuriya uu dib ugu soo laabto Ururka Jaamicadda Carabta oo hray looga saaray.
ISHA WARKA ARAB.