SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WASIIRKA MAALIYADDA ISRA’IIL OO U HANJABAY DAWLADDA FALASTIIN.

(SAWIR)-KA. CIIDAMADDA ISRA’IIL OO XABSIGA U TAXAABAYO MAWAADIN FALASTIINI AH.

(QUDS)-Wasiirka Maaliyadda ee Isra’iil ayaa ku hanjabay iney burburin doonaan magaalooyinka,xaafadaha iyo Xeryaha Falastiiniyiinta ee waqooyiga la haysto ee Daanta Galbeed Khamiista maanta ah,si la mid ah wixii ciidamadu ka sameeyeen Marinka Gaza. “Fariintayadda waxa ey ku socoto dadka degan Tool-Karam,Xaafadda Shuweykha iyo Xeradda Qaxootiga ee Nuur Alshamsi iyo magaaladda Qalqiiliya,waxaan idinka dhigi doonaa magaalooyin burburay sida ka dhacday Marinka Gaza haddii Argagixisinimo”lagu dhaqmo degsiimooyinka, Bezalel Smotrich oo ah Hogaamiyaha Sionism Diimaha Midigta Fog ayaa sidaas ku qoray Bartiisa(x). Smotrich ayaa ku hanjabay inuu “Sii wadi doono inuu xukumo Yahuuda iyo Samaariya” Erayga Kitaabiga ah ee Daanta Galbeed ey Isra’iil haysato. Isagoo la hadlaayey mawaadiniinta reer Isra’iil ayuu Smotrich ku andacooday in “Haddii loo ogolaado in la dhiso dawlad Falastiiniyiin ah,degsiimooyinka Daanta Galbeed waxaa lagu qaadi karaa weerar la mid ah”midkii kooxaha Falastiiniyiinta ku qaadeen saldhigyadda Mileteri ee Isra’iil iyo degsiimooyinka ku dhaw Marinka Gaza todobadii Oktoobar-2023-kii. Wasiirka Xagjirka ah ayaa ku nuux-nuuxsaday diidmadiisa uu ku diidan yahay in la dhiso dawlad Falastiin leedahay,isagoo sheegay ineysan dhici doonin. Xisbiga Diimeed ee Sionism ayaa ah Xisbi si aad ah u taageero degaameynta dhulka Falastiin si Isra’iil ey yeelao dhulka reer Falastiin intiisa hadda u hartay Falastiin.

ISHA/AA.

SII AKHRI.