SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WASIIR ISKA CASILAY XUKUUMADDA NETANYAHU.

(SAWIRKA)-BENNY GANTZ.

(TEL AVIV)-Benny Gantza oo ah Wasiir ka tirsan Xukuumadda Isra’iil ayaa khudbad uu jeediyey Axadda maanta ah kaga dhawaaqay in Xisbigiisa uu ka baxay Dawaladda deg dega ah ee la dhisay ka dib weerarkii ey Xamaas ku qaaday Isra’iil taariikhdu markeey ahayd 7/10/2023-kii. Isbahaysiga Reysal Wasaaraha Isra’iil Benjamiin Netanyahu oo weli haysto aqlabiyadda Baarlamaanka Isra’iil oo dhan 64-Cod,ma aha mid burburi doonto laakin waxay u badan tahay iney ka dhacdo xasilooni darro. Bixinta Gantz waxay u badan tahay iney uga sii dari doonto xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha Isra’iil iyadoo dagaalka Marinka Gaza uu sii socdo,lana haysto dad reer Isra’iil ah,isla markaasne ey socdaan wada hadaladii lagu gaari lahaay xabad joojin. Gantz oo xubin ka ahaay Golaha Wasiiradda dagaalka ee uu hogaamiyo Netanyahu oo shaqeynaayey muddo sideed bilood ah ayaa maamulka Biden iyo dawladdo kale oo reer Galbeed iyo Carab ah u arkaan in Gantz yahay nin dhexdhexaad ah,waxayna u badan tahay bixitaan Gantz iney kordhiso cadaadiska Maraykanka iyo kuwa caalamiga ah ee Netanyahu.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.