WASIIR BASAAM”LIBNAAN BEEC MA AHA”.
(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA LIBNAAN BASAAM MAWLAWI.
(BEIRUT)-Dalka Libnaan waxa ku nool dad fara badan oo ka soo jeedo dalka Suriya kuwaaso Libnaan ku joogo Qaxootinimo,in Qaxootiga reer Suriya lagu celiyo dalkooda ayaa waxaa ka taagan dhibaato u dhexeeyso labada dal(libnaan iyo Suriya),dhibaatadaan ayaa ka dhalatay ka dib markii Madaxweynaha Suriya Bashaar AL-asad uu ka biya diiday inuu wax ka qabto Daroogada loo iib geeyo dalalka Carabta ey ka mid yihiin Libnaan iyo Urdun oo deris la ah dalka Suriya. Wasiirka arrimaha Gudaha dalka Libnaan Basaam Mawlawi ayaa si adag waxa uu uga hadlay arrinta Qaxootiga ee jooga dalka Libnaan mar uu ka qeybgelaayey shir ey isugu yimaadeen Gudoomiyeyaasha Goboladda dalka Lbnaan,Wasiir Basaam ayaa yiri”Libnaan ma ogolaanayso in Qaxootiga Suriya ey Libnaan ku joogaan si aan kala cadeyn,waxaane diidanahay kaalmo kasta oo caalami ah iyo mid maaliyadeeda oo lacag ahaan loo siiyo dalka Libnaan si Qaxootiga Suriya ugu sii sugnadaan Libnaan,dalka Libnaan ma aha Beec”.
ISHA/ARAB.