SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WARGAYS KASHIFAY BEENTA ISRAEL KA SHEEGTAY DAGAALKA GAZA.

(SAWIRKA)-MEYDADKA EY ISRAEL SOO DHIGTAY TELGRAMKA.

(ISRAEL)-Warbixin lagu daabacay Wargayska Haaretz ee Israel maanta oo Talaada ah(12/12/23)-ka ayaa daaha ka qaaday kanaal ku yaalo Telgramka laguna magacaabo”72Virgins-Uncensored”oo ey maamusho waxa loogu yeero ‘Waaxda Saameynta Agaasinka Hawlgaladda ee ciidanka Isra’iil”hadafka ayaa ah in la maareeyo hawlgalada dagaalka. Talaabooyinkaan Cilmi nafsiga ah ee ka dhanka ah cadawga iyo ka dhegaystayaasha ajnabiga ah”Waxyaabihii ugu dambeeyey ee ey daabacday waxaa ka mid ahaay sawiro iyo muuqaalo meydad dad ah oo sheeganaayo iney xubno ka yihiin xoogaga Xamaas iyo hadalo kale oo lagu sheeganaayo in la burburiyey fikradaha khiyaaliga ah”. Wargayska ayaa sheegay in kanaalkan uu ku faano in Waxyaabaha uu ka kooban yahay ey yihiin kuwa si gaar ah ugu socdo Marinka Gaza,waxa uuna daabacay in ka badan 700-qoraal,sawiro iyo muuqaalo ey ku sheegeen burburka Xamaas ee Marinka Gaza,waxa uuna kanaalkan dhhiigeliyey dad aarayo ilaa 5.300-qofood.

ISHA ARABIC.

HALKAN KA SI AKHRISO.