WARARKA SOOMAALIYA KUWII UGU DAMBEYEY.
CIIDAMADA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED.
(MUQDISHO)-Dalka Soomaaliya waxaa weli si xawli ah uga socdo dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta,dagaaladaan ayaa ka kala socdo maamulada Hirshabeele iyo Galmudug,Gobolka Hiiraan oo ah gobolkii ey ka bilaabatay dagaalka Khawaarijta waxa eyna dadka dego gobolka Hiiraan waxa eyna awood u yeesheen ineey iska xureeyaan gacanta Khawaarijta. Maanta oo Axad ah ayaa waxaa dagaal adag uu ka dhacay degaanka Cabdi-Cagaweyne waxane dagaalkaan uu khasaare badan uu ka soo gaaray kooxda Khawaarijta ka dib markii ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed iyo dadka degaanka oo iskaashanaayo ayaa weerar kedis ah ku qaadeen kooxda khawaarijta oo ka soo talaabeen galbeedka wabiga waxa eyna u soo gudbeen dhinaca bari ee wabiga. dhinaca kale,magaaladda Muqdisho waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo lagula kacay dad kala gedisan ey ka mid yihiin Imaam Masjid iyo nabadoon,dadkaan la dilay ayaa waxaa wada dilay kooxda Khawaarijta tusaale ahaan Imaamka Masjidka ayey ku sheegeen inuu adeegaayey DFS halka ey ku sheegeen Nabadoonka inuu socday hurinta dagaalka beelaha ee ka socdo gobolka Shabeelada Dhexe,laakinse waxaa wax lala yaabo ah in nabadoonka ahaay nin beeshiisa u dirsatay inuu ku baxo dagaalka ka soo dhex cusboonaaday beesha dhexdeeda kooxduna ku sheegtay inuu u socday inuu huriyo dagaalka.
ISHA WARKA SB-MEDIA(SOMALIA).