WADAMO CARBEED OO CAMBAAREYEY WEERARKA ISR’IIL KU QAADAY…
(SAWIRKA)-DHISMAHA XARUNTA HAYADDA DIB U DHISKA MARINKA GAZA.
(QADAR)-Qaar ka mida wadamadda Carabta ayaa maanta oo Isniin Cambaareyn u soo jeediyey Ciidamadda Difaaca Isra’iil ka dib markii diyaaradaha Isra’iil ey weerar dhinac cirka ah ey ku qaadeen dhismaha Xarunta Hayadda Dib u dhiska Marinka ee laga leeyahay Dalka Qadar waqti hore oo maanta ah. Arrintaan ayaa imaaneyso ka dib markii uu shir ugu soo dhammaaday caasimadda Sacuudiga ee Riyad Hogaamiyeyaasha Ururada Jaamicadda Caraqbta iyo kan Iskaashiga Islaamka,shirkaas ayaa waxaa laga soo saaray bayaan lagu cambaareynaayo weerarada Isra’iil,dhinaca kale,dalalka Carbeed ee cambaareeyey weerarkii maanta lagu qaaday dhismaha xarunta Hayada dib u dhiska Marinka Gaza ayaa kala ah Sacuudig,Kuweyt,Cumaan,Imaaraatka Carabta,Urdun iyo Golaha Iskaashiga wadamadda Khaliijka.
ISHA/ARAB.