SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WADAMADA KHALIIJKA OO LA EDEEYEY.

(SAWIRKA)-SHAQAALE WARAABINAAYO BEER LAGU RAAXEYSTO WAQTI KULEYLA AH.

(GULF STATES)-Wadamadda Khaliijka la isku yiraahdo kana kooban lixda dal ee kala ah {Sacuudig,Baxrayn,Imaaraatka,Qadar,Kuweyt iyo Cumaan}ayaa waxaa ka jiro heerkul aad u sareeyo waqtiyadaan oo kale amaba Summer-ka,dalalkaan ayaa waxaa ka shaqeeyo shaqaale ajnabi ah kana yimid caalamka dafihiisa kala duwan balse u badan wadamada Faqiirka ah,wadamadda Khaliijka ayaan u nixin shaqaalaha ajnabiga ah waqtiga uu aadka u xun yahay heerkulka waxa eyna ugu shaqeeyaan si caadi ahayn waxane arrintaasi ka dhasho dhimaasho fara badan oo soo gaarto shaqaalaha ajnabiga ah,sida la soo sheegay shaqaalaha ajnabiga ayaa u geeriyooda cudurada Wadnaha iyo Kilyaha mana helaan daryeel caafimaad oo damaano qaadayo noloshooda. Hayadaha aan dawliga ahayn(NGO) ayaa ka hadlay arrintaan haystaa shaqaalaha ajbabiga ah kana xoogsada dalalka Khaliijka waxa eyna ka qoreen warbixin si hufan u tafatireyso dhibka ka jira lixda dal ee khaliijka.

ISHA WARKA MEE.

HALKAAN KA SII AKHRISO.