WADAMADA BARIGA DHEXE EE U TACSIYEYEY TURKIGA.
TACSIDII LOO DIRAY DADKII KU DHINTAY WEERARKII ISTANBUL.
(ANKARA)-Wadamadda dhaca mandiqadda Bariga Dhexe ayaa si aad ah waxa eey u cambaareeyeen weerarkii aragagixiso ee shalay oo Axad ahayd ka dhacay magaaladda Istanbul ee dalkaasi Turkiga,weerarkaas dhacay shalay ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraayo ilaa lix qofood waxaane ku dhaawacmay 81-qofood oo kale sida ey sheegtay dawladda Turkiga. Wadamadda ku yaalo bariga dhexe ee sida aadka ah u cambaareeyey weerarki aragagixisada ku qaaday Istanbul ayaa waxaa ka mid ah{URDUN,SACUUDIGA,IMAARAATKA,BAXRAYN,QADAR,KUWEYT, MASAR,LIBNAN,FALASTIN IYO YEMEN},dalalka kale ee ayagana u soo tacsiyeyey dalka Turkiga ayaa waxaa ka mida Soomaaliya,Suudaan iyo Aljeeriya.
ISHA WARKA AA.