SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WAA MAXAY SABABTA EY MASAR ISAGA DIIDAY?

(SAWIRKA)-MW-AL-SISI.

(QAHIRA)-Wargayska “The Wall street Journal”ayaa sheegay in dalka Masar uu iska diiday qorshe uu dalka Maraykanka u soo jeediyey qorshahaaso ah in dalka Masar la wareego masuuliyadda maamulka Amniga ee Marinka Gaza si ku meel gaar ah,qorshahaan oo qeyb ka ah habaynta Marinka Gaza ey gadaal ka riixayaan dalka Marakanka iyo Isra’iil dagaalka ka dib taaso loo macneyey marka Xarakada Xamaas laga sifeeyo Gaza. La wareegidda dalka Masar Amniga Gaza si ku meel gaar ah ayaa ah in Xarakada Xamaas eysan kaalin ku lahaan doonin mar dambe fagaaraha siyaasadda ee dhulka Falastiin. Dalka Maraykanka ayaa soo jeediyey arrintaas inta lagu guda jiray kulankii u dhexeeyey Madaxweynaha dalka Masar C/fataax AL-sisi iyo Agaasimaha Hayadda Sirdoonka Dibadda Maraykanka(CIA)-da William Burns waxaane goob joog ka ahaay Madaxa Sirdoonka dalka Masar Cabaas Kamaalmaalmihii la soo dhaafay.

ISHA/MEMO.

HALKAN KA SI AKHRISO.