SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

WAA MAXAY BAAHIDA AAN MUUQAN EE KA JIRTA….

SAWIRKA LAGULA TUUKSADO CAALAMKA EE SOOMAALIYA.

(SOMALIA)-Bishii Meey-2022-kii waxaa dalka Soomaaliya Madaxweyne loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uuna Mudane Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame u magacaabay inuu noqdo Ergay gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha baahay ee dalka Somaaliya,Xildhibaan C/raxmaan ayaa soo booqday goobo badan ey ku nool yihiin dad ka soo barkacay dhulkii ey ku noolayeen,waxa uuna Mudane C/raxmaan deeq dadkaan dhibaateysan uga raadiyey dawladaha caalamka iyo kuwa Soomaaliya la saaxibka ahba si shacabkaan dhibateysan wax loogu qabto,laakinse Madaxa xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Samafalka iyo Bani’adanimada isla markaasne ah isku duwaha gargaarka degdega ah ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa dawladda Soomaaliyeed waxa uu u soo jeediyey ineey ku dhawaqdo in dalka Soomaaliya ka jirto MACLUUL loona baahan yahay gargaar deg deg ah,Madaxweyne Xasan Sheekh oo la tashaday ergaygiisa gaarka ah Mudane Xildhibaan C/raxmaan ayaa arrinkaas iska diiday ineey ku dhawaaqaan in dalka Soomaaliya ka jirto”MACLUUL”,hadaba si dalka Soomaaliya looga fushado dantii laga lahaay ayaa hadda arrinka loo wareejiey dhinaca wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay isla markaasne ah isku xiraha hawlaha bani’adanimada ee Somalia Adan Cabdul-Mawla waxa uuna waraysi siiyey Wargays Carbeed waxa uuna ku sheegay in dad gaaraayo 7.6-Milyan qofood oo Soomaali ah u baahan yihiin in lala gaaro kaalmo cunto oo deg deg ah.

ISHA WARKA CARAB JADEED.

HALKAAN KA SII AKHRI.